Shabellaha Hoose – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo Taliyaha Ciidanka Turkisom, General Sebahattin Kalkan, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.
Wafdiga ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada ee ku sugan deegaanka Number 50, halkaas oo ay kaga warbixiyeen xaaladda amniga iyo howlgalada socda.
Intaa kaddib, Taliyeyaasha waxay booqdeen goobta uu ka socdo dhismaha isbitaal cusub oo deegaanka laga hirgelinayo, iyaga oo bogaadiyay mashruuca dhismaha iyo faa’iidada ballaaran ee uu u leeyahay bulshada deegaanka.
— DHAMMAAD —