Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanno ku yaalla jiinka Webiga Shabeelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, si uu ugu kuur-galo xaaladda amni iyo hawlaha socda ee ciidamada ku sugan halkaasi.
Intii uu kormeerka ku jiray, Taliyaha ayaa kulammo la yeeshay maamulka Degmada Balcad oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada, Mudane Qaasim Cali Nuur (Qaasim Furdug), iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka hawlgala deegaannada jiinka webiga. Kulammada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa maamulka iyo ciidamada, iyo qiimeynta xaaladda amni ee gobolka.
Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ammaanay dadaalka, naf-hurnimada, iyo geesinimada ay muujiyeen ciidamada Xoogga Dalka ee ku howlan la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah, isaga oo ku boorriyay saraakiisha in ay sii xoojiyaan waajibaadkooda si loo adkeeyo amniga loona dardargeliyo howlgallada.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli wada howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga, laguna sugayo xasilloonida deegaannada la xoreeyay, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nolol nabad ah iyo amni waara.
