Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kulan la yeeshay Taliyaha Ciidanka Dhulka Rwanda.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan miro-dhal ah ku yeeshay magaalada Kigali ee dalka Rwanda Taliyaha Ciidanka Dhulka Rwanda, Sareeye Gaas Vincent Nyakarundi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka ciidamada, gaar ahaan tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha dagaalka, iyo maamulka howlgalada dhulka, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay wada shaqeynta la xiriirta la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Rwanda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in iskaashigan militari uu muhiim u yahay xoojinta nabadda, amniga, iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labadadal.