Taliyaha Ciidanka dhulka Xooga dalka Oo gaaray furimaha..

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo gaaray deegaanka Cadaan-laxey ee hoos taga degmada Ruun-nirgod ee gobolka Sh/Dhexe ayaa kormeeray fariisimaha kala duwan ee ciidanku ku leeyihiin aaga deegaanka Cadaan-laxey, wuxuuna saraakiisha ciidanka ee ku sugan difaaca hore ka dhageystay warbixino la xiriira howlaha shaqo ee ciidanka.
Taliyaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka, isagoo amar ku siiyay in loo dhaqaaqo godadka maleeshiyadka Khawaarijta ah ay ku dhuumaaleystaan.