Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.
Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Daahir (Dhagawayne), iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Soo dhaweynta kaddib, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka ayaa kulammo gaar-gaar ah la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ay kaga wada hadleen xaaladda guud ee ciidamada iyo howlaha amni ee ka socda deegaannada Galmudug.
Kulamada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda iyo diyaargarowga Ciidanka Xoogga Dalka, howlgalada ay ka wadaan deegaannada Galmudug iyo qorshayaasha la xiriira xoojinta dagaalka ka dhanka ah Kooxda AS.
Sidoo kale, waxaa kulamada lagu soo qaaday arrimaha shaqada, isku-duwidda howlgalada iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta saraakiisha iyo ciidamada ku sugan aagga ay mas’uulka ka tahay Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Booqashada Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa qeyb ka ah kormeerro iyo kulammo uu la yeelanayo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku kala sugan qeybaha kala duwan ee dalka, kuwaas oo ujeedkoodu yahay la socodka xaaladda ciidamada iyo howlaha ay u xilsaaran yihiin.