Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo Lagu Soo Dhaweeyay Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/Sare Maxamed Cabdi Daahir “Dhagawayne”, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada.

Intii ay socotay soo dhaweynta, waxaa garoonka lagu sameeyay munaasabad kooban oo lagu maamuusayay imaatinka Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, iyadoo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sameeyeen salaan sharaf ay ku soo dhaweynayeen Taliyaha iyo wafdigiisa.

Kadib markii uu Taliyuhu gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaa uu bilaabay kulamo shaqo oo uu la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaanada Galmudug. Kulamadaasi ayaa ahaa kuwo gaar-gaar ah, waxaana lagu dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda ciidamada iyo howlaha ay ka wadaan goobaha ay ku sugan yihiin.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga, howlaha ciidanka, diyaar garowga ciidamada iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta iyo isku-duwidda ciidamada ku howlgala deegaanada Galmudug.

Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sidoo kale saraakiisha ka dhageystay warbixinno ku saabsan howlaha iyo caqabadaha horyaalla ciidamada, iyadoo la isla eegay qorshayaasha lagu horumarinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha amni ee ciidamada ka wadaan deegaanada Galmudug.

Booqashada Taliyaha ayaa kusoo beegmeysa xilli Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay wadaan howlgallo iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo lagu xoojinayo amniga, laguna taageerayo dadaallada lagu sugayo nabadgelyada deegaanada Galmudug.

Safarka Dhuusamareeb ayaa sidoo kale la filayaa inuu qeyb ka noqdo qorshayaasha Taliska Ciidanka Dhulka ee lagu qiimeynayo xaaladda ciidamada ee gobollada dalka, iyadoo Taliyaha iyo saraakiisha la socda ay si dhow ula soconayaan howlaha ciidamada iyo baahiyaha ka jira goobaha ay ka howlgalaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa intii uu ku sugnaa Dhuusamareeb adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay yeeshaan isku-duwid wanaagsan, diyaar garow joogto ah iyo wada shaqeyn dhow, si loo xaqiijiyo fulinta waajibaadka qaran ee loo igmaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.