Taliyaha Ciidanka Uganda Oo todobaadkan Booqasho Ku Yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Uganda Lt. Peter Elwelu ayaa todobaadkaan booqasho ku yimid Soomaaliya,wuxuuna taliyaha si gaar ah u booqday goobaha ciidanka Uganda ee Qeybta ka Howlgalka AMISOM ku sugan yihiin.

Lt. Gen. Elwelu, ayaa maalintii khamiista ahayd oo taariikhda ku beegneyd February 14,booqday Ciidanka Uganda ee ku sugan magaalooyinka,Baraawe,Buulamareer,Qoryooley iyo deegaanka Ceel Jaale-Marka oo dhammaantood ka tirsan qeybta koowaad (Sector One),kuwaasi oo ku yaalo Gobolka Shabeellaha hoose.

“ Waxa ina quseeyo waxay tahay ineynu taageerno ciidankeenna qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee ku sugan halkan,” ayuu yiri Taliyaha ugu sareeya ee Ciidanka Uganda intii lagu guda jiray booqashadiisa Xerooyinka Militari.

Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Uganda Lt. Peter Elwelu,ayaa ciidanka ku dhiira geliyay iney is difaacaan,islamarkaana u shaqeeyaan si wadajir ah si ay uga gudbaan caqabadaha,islamarkaana guulo u gaaraan.

Sidoo kale, Lt. Gen. Elwelu ayaa la kulmay Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Ali Ibrahim,mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka degmadaasi  iyo waxgaradka,isagoona kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa sugida amniga iyo waliba dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu danbeyntii,Taliyaha Ciidanka Lugta dalka Uganda ayaa maanta gabagabeeyay booqashada uu ku yimid Soomaaliya.