Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa guddoomiyay shir amni oo heer sare ah oo ka qabsoomay Taliska Guud ee Ciidanka XDS, kaas oo si qoto dheer diiradda loogu saaray xaaladda guud ee amniga dalka, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, iyo xoojinta iskaashiga ciidamada kala duwan ee qaranka.
Shirkan ayaa waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyo sidoo kale caqabadaha weli ka jira qaar ka mid ah deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan. Taliyaha Ciidanka XDS ayaa saraakiisha la wadaagay muhiimadda ay leedahay in la sii laba jibbaaro dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, lana xoojiyo howlgalada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha halista ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka.
Intii uu shirku socday, saraakiisha ka qeyb galay ayaa soo bandhigay warbixinno dhameystiran oo la xiriira xaaladda guud ee amniga, gaar ahaan gobollada ay ka socdaan howlgalada militari. Waxa kale oo ay soo jeediyeen qorsheyaal cusub oo lagu xoojinayo is-dhexgalka ciidamada, kor u qaadista feejignaanta, iyo hagaajinta isku-duwidda howlgalada kala duwan ee ka socda dalka.
Waxaa si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay sii wadaan howlgallada lagu xoreynayo deegaannada ay weli ku sugan yihiin Khawaarijtu, isla markaana la xoojiyo dadaallada lagu hor istaagayo isku day kasta oo lagu carqaladeynayo nabadda iyo horumarka dalka. Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyay in la kordhiyo wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee amniga si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah.
Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay muujiyaan feejignaan joogto ah, isla markaana ay si buuxda u fuliyaan qorshayaasha lagu sugayo amniga qaranka. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in mas’uuliyadda ilaalinta shacabka iyo dalka ay tahay mid qaran oo u baahan dadaal, isku-duubni, iyo naf-hurnimo.
Shirka waxaa ka qeyb galay Kaaliyaha Taliska Guud, Taliyeyaasha Noocyada Ciidamada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyeyaasha Sahanka iyo Wardoonka, Ciidanka Gaarka ah, Hoggaannada Taliska Guud, Taliyeyaal Guuto iyo saraakiil kale oo sare, kuwaas oo dhammaantood si wadajir ah uga shaqeynaya xoojinta amniga dalka iyo ciribtirka Khawaarijta.