Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Xero Maslax ee Ciidanka XDS, si uu si dhow ugu kuurgalo xaaladda taliska, howlaha maalinlaha ah ee ay ciidamada halkaasi ka wadaan iyo heerka u diyaargarowgooda gudashada waajibaadka qaran.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo tayada iyo hufnaanta ciidamada, iyadoo Taliyuhu uu indha-indheyn ku sameeyay habsami u socodka shaqada, nidaamka taliska, tababarrada ciidamada iyo xaaladda guud ee xerada. Waxa uu sidoo kale qiimeeyay baahiyaha jira iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo tayeynta ciidamada, kor u qaadidda kartidooda iyo sare u qaadidda awoodda howlgal ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Markii uu gaaray Xerada Maslax, Taliyaha Ciidanka XDS waxaa si diirran u soo dhaweeyay Taliyaha Guutada 73-aad MP ee Ciidanka XDS, G/le Cabdullaahi Cismaan Jimcaal, kaas oo warbixin faahfaahsan ka siiyay xaaladda guud ee taliska, howlaha socda, heerka diyaargarowga ciidamada iyo guulaha laga gaaray gudashada waajibaadka ciidamada ee dhinacyada amniga iyo difaaca dalka.
Intii uu kormeerku socday, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa la kulmay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan xerada, isagoo ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan difaaca dalka iyo ilaalinta amniga shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu ku dhiirrigeliyay ciidamada inay sii laba jibbaaraan shaqadooda, adkeeyaan anshaxa ciidannimo, isla markaana ilaaliyaan kala dambeynta iyo u hoggaansanaanta awaamiirta taliska.
Taliyaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay joogteynta tababarrada, tayeynta aqoonta ciidamada iyo dardargelinta qorshayaasha lagu kobcinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay si hufan ugu gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.
Kormeerkan waxaa ku weheliyay Taliyaha Taliska Taakuleynta Ciidanka XDS, qaar ka mid ah madaxda hoggaamada Taliska Guud ee Ciidanka XDS iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka, kuwaas oo si wadajir ah u qiimeeyay xaaladda taliska iyo qorshayaasha lagu horumarinayo howlaha ciidamada ee mustaqbalka.