Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shir guddoomiyay shirka subaxlaha ee Taliska Guud ee Ciidanka XDS.
Taliyaha Ciidanka XDS, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha shirka ka qeybgalay oo ku saabsan howlaha socda iyo qorshayaasha Taliska Guud.
Intii uu shirka socday, Taliyaha wuxuu saraakiisha faray in la xoojiyo diyaarsanaanta Ciidanka, isla markaana la garab istaago bulshada si loogu fududeeyo adeegyada nololeed, maadaama lagu jiro bishii barakeysanayd ee Ramadan.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa saraakiisha kula dardaarmay adkeynta isla xisaabtanka iyo daadejinta howlaha, si kor loogu qaado tayada shaqada.