Taliyaha Ciidanka XDS oo Muqdisho ku qaabilay Wufuud ka socotay Ethiopia, Kenya iyo Uganda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wufuud heer sare ah oo ka socotay Ciidamada Difaaca dalalka Itoobiya, Kenya iyo Uganda. Wufuuddan ayaa magaalada Muqdisho u timid ka qeybgalka Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee Dalalka Ciidamada ku Taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is-xogwaraysi ku saabsan natiijooyinka shirka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga iyo xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku taageera hawlgallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Taliyaha Ciidanka XDS ayaa uga mahadceliyay wufuudda kaalinta muuqata ee ay dalalkoodu ka qaadanayaan taageerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in iskaashiga dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo waddamada saaxiibka la ah uu door muhiim ah ka qaato horumarinta tayada iyo awoodda Ciidanka XDS, isla markaana uu xoojinayo dadaallada lagu sugayo amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso xoojinta wada shaqeynta ciidamada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, si loo dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada loona xaqiijiyo nabad waarta.

Dhankooda, madaxda wufuudda ka socotay Itoobiya, Kenya iyo Uganda ayaa bogaadiyay martigelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka XDS. Waxay sidoo kale caddeeyeen sida ay uga go’an tahay sii wadidda iskaashiga militari, is-dhaafsiga khibradaha iyo taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.