Taliyaha Ciidanka XDS oo Shir Amni Ku Shir-Guddoomiyey Magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa shir amni oo muhiim ah ku shir-guddoomiyey magaalada Baydhabo oo ah caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulkaasi.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida iyo laamaha ammaanka ee ka howlgala magaalada Baydhabo, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga magaalada, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha lagu xoojinayo nabadgelyada deegaanka.

Masuuliyiinta iyo saraakiisha kulanka ka qeyb galay ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta hay’adaha ammaanka, kor loogu qaadi lahaa isku dubbaridka howlgalada, iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga shacabka iyo xasilloonida magaalada.

Intii uu socday shirka, Taliyaha Ciidanka XDS ayaa saraakiisha faray inay laba jibbaaraan howlgalada amniga lagu sugayo, isla markaana ay si dhow uga hortagaan khataraha amni ee ay maleegayaan kooxaha nabad-diidka ah.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay feejignaanta ciidamada, wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasilooni buuxda oo ka hanaqaadda magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.