Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb waxaa wafdiga Taliyaha kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed, masuuliyiin ka socday maamulka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasi oo muujiyay taageerada ay u hayaan ciidamada qaranka iyo howlgalada socda ee dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.
Ujeedka safarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la xiriira dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaasi oo ciidamada dowladda iyo shacabka deegaanka ay ka wadaan deegaano kamid ah dowlad goboleedka Galmudug. Taliyaha ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato saraakiisha ciidamada iyo madaxda maamulka si loo xoojiyo wada-shaqeynta amniga iyo qorsheyaasha cusub ee lagu dedejinayo howlgalada socda.
Safarka Taliyaha ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada qalabka sida Soomaaliyeed ay sare u qaadeen howlgalada lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dhexe ee dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.
S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale la filayaa inuu ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ku dhiirrigeliyo inay sii laba jibaaraan dadaallada ay ugu jiraan difaaca dalka, shacabka iyo la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah ee khatarta ku haya amniga iyo horumarka Soomaaliya.