Sareeya Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa goor dhow Magaalada Muqdisho tababar ugu soo xiray Ciidamo ka tirsan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyadda Qaranka.
Ciidamada uu taliyuhu tababarku u soo xiray ayaa ka badan 100 Askari waxaana ay tababar ku jireen Muddo ka badan 3 Bilood.
Xafladda soo xiridda tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga, Agaasime ku xigeenka madaxtooyadda, Taliyaha ciidanka Badda, saraakiil ka socda xoogga dalka iyo masuuliyiin kale.
Taliye Gorod ayaa ku amaanay saraakiisha ciidanka inay had iyo goorba u taagan yihiin kor u qaadista aqoonta iyo tayada ciidanka, wuxuuna cadeeyay in tababaradaan oo kale iskuguna jira gudaha iyo dibadda lasii laba-laabayo.