Taliyaha Ciidanka xooga dalka Oo tababar usoo xiray Ciidamo Katirsan Ilaala Madaxtooyada

Sareeya Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod  Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa goor dhow Magaalada Muqdisho  tababar ugu soo xiray Ciidamo ka tirsan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyadda Qaranka.

Ciidamada uu taliyuhu tababarku u soo xiray ayaa ka badan 100 Askari waxaana ay tababar ku jireen Muddo ka badan 3 Bilood.

Xafladda soo xiridda tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay  wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga, Agaasime ku xigeenka madaxtooyadda, Taliyaha ciidanka Badda, saraakiil ka socda xoogga dalka iyo masuuliyiin kale.

 Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod ayaa sheegay marka hore in ciidanka ilaalada Madaxtooyada ay ka duwan yihiin dhammaan ciidanka xoogga dalka, sababtuna tahay iney ka howl galaan xarunta ugu weyn ee dalka laga maamulo iskuguna yimaadaan madaxda oo idil, wuxuu sheegay in tababarka ay qaataan wax badan ay ka badaleen shaqooyinkooda.

Taliye Gorod ayaa ku amaanay saraakiisha ciidanka inay had iyo goorba u taagan yihiin kor u qaadista aqoonta iyo tayada ciidanka, wuxuuna cadeeyay in tababaradaan oo kale iskuguna jira gudaha iyo dibadda lasii laba-laabayo.