Taliyaha Ciidanka Xooga Oo booqday Askar ku dhawacantay qaraxyo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa Qaar ka mid Isbitaalada Magaaladda Muqdisho ku Booqday Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii Dhawaan lagula Eegtay Agagaarka Isgoyska Tarbuunka.

Janaraal Odowaa Yuusuf Taliyaha CXD oo ay wehliyeen Madaxda hoggaanada caafimaadka, saadka, maamulka lacagta iyo saraakiil kale ayaa booqasho ugu tagay dad isugu jira Askar iyo Shacab ku dhaawacmay qarixii ay Al-Shabaab kula beegsadeen taliyaha agagaarka garoonkii hore ee kooxda horseed oo u dhaxeeya isbtitaalka xoogga iyo isgoyska Taranbuunka.

Isbitaalada uu booqday taliyaha ayaa waxaa ka mid ah Madiino iyo Somali Suudaanes oo lagu dadkaasi, isaggoo mid mid u xaal-wareeystay dadka dhaawacyada ah, wuxuuna alle uga baryay inuu caafimaad degdeg ah siiyo.