Xildhibaan Hassan Hersi Hashi oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo deeq iskugu jirta Xoolo iyo Raashin gaarsiiyay Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa deegaanka.

Xildhibaan Hassan Hersi Hashi ahna Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Xaduudaha Baarlamaanka Dowlad Gololeedka Galmudug ayaa deeq iskugu jirta Xoolo iyo Raashin gaarsiiyay Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa deegaanka kuwaasi oo furimaha Dagaalka ku baacsanaya Kooxaha Khawaarijta Alshabaab.

Xildhibaan Hassan ayaa ku dhiira galiyay shaqada wanaagsan oo naf hurniamda leh oo ay ciidamada XDS ay u hayaa Bulshadda Galmudug iyo guud ahaanba Soomaaliya.

Mudane Hassan ayaa yiri”waxaa naga go,an aniga oo ku hadlaya afka Golaha Baarlamaanka DGG in aan hiil iyo hooba leh idinla garan taaganahay, waxaan har iyo habeen u taagan tihiin qoraxda iyo qabowga waa sidii aad u difaaci lahaydeen Dalkiina, Dadkiina iyo Diintiina, Codowga Soomaaliyeed manta waxa uu joogaa meeshii ugu dambeysay, mar hadaad aragto koox falaaga oo dadka nolosha ku cadaabada oo guryihii, ceelashii iyo barkadihii ka gubaya waxa ay cadeyn iyo maragmadoonto u tahay in waqtigoodii uu dhammaaday guusha waa dhowdahay ee aan israacino cadowga maanta”.