Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiil ka socotay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), odayaasha dhaqanka, maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Baraawe iyo deegaannada ku xeeran.
Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu qiimeynayo xaaladda amni ee degmada Baraawe iyo deegaannada hoos yimaada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta wada-shaqeynta ciidamada ammaanka, maamulka deegaanka iyo bulshada, si loo helo isku-duwid iyo iskaashi wax ku ool ah oo lagu sugayo nabadgelyada.
Intii ay kulamadu socdeen, Taliyaha ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta deegaanka, kuwaas oo la xiriiray xaaladda guud ee amniga, howlaha ay ciidamada ka wadaan gobolka iyo caqabadaha jira ee u baahan in si wadajir ah wax looga qabto.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlaha amniga, kor loogu qaadi lahaa feejignaanta ciidamada, loona xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa AUSSOM ee ka howlgala deegaannadaasi.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saraakiisha iyo ciidamada faray inay si buuxda u gutaan waajibaadkooda qaran, ilaaliyaanna amniga shacabka, isla markaana ay muujiyaan feejignaan iyo diyaar-garow joogto ah oo ku aaddan ka hortagga iyo ciribtirka Kooxda AS.
Dhankiisa, Taliyaha ayaa adkeeyay in sugidda amniga aysan ku koobnayn oo keliya howlaha ciidamada, balse ay muhiim tahay in maamulka iyo bulshada deegaanka ay qayb ka noqdaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo ilaalinta hantida dadweynaha.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya ciidamada iyo shacabka, lana abuuro jawi ay bulshada si dhow ula shaqeyn karto hay’adaha amniga, gaar ahaan dhinacyada xog-wadaagga iyo ka hortagga falalka amni-darrada.
Booqashada iyo kulamada Taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo amniga deegaannada dalka, laguna horumarinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee la wareegidda iyo sugidda amniga goobaha ay ka howlgalaan.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada dadaallo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta ciidamada, maamulka iyo bulshada si loo helo nabad waarta.