Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka taliyeyaasha ciidamada dalalka ciidamada ku deeqay Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM-TCCs).
Shirka waxaa Soomaaliya uga qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka ahayd Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Uganda, Fardowsa Maxamed Qanyare.
Kulankan ayaa lagu gorfeeyay arrimo muhiim ah oo la xiriira mustaqbalka howlgalka AUSSOM, qorshayaasha amniga Soomaaliya, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku biiriyay howlgalka Midowga Afrika.
Taliyeyaasha ciidamada ee ka qeyb galaya shirka ayaa sidoo kale diiradda saaraya qiimeynta xaaladda amni ee Soomaaliya, dardargelinta taageerada ciidamada ammaanka Soomaaliyeed, iyo sidii loo hubin lahaa in howlgalka AUSSOM uu si hufan uga qeyb qaato dadaallada nabadeynta iyo xasilinta dalka.
Shirka Kampala ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo qorshayaal lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo taageerada saaxiibada caalamiga ah ay weli muhiim u tahay dagaalka ka dhanka ah kooxaha khatarta ku ah amniga.
Mas’uuliyiinta ka qeyb galaya kulanka ayaa la filayaa inay soo saaraan talooyin iyo go’aanno lagu horumarinayo howlgalka AUSSOM iyo iskaashiga dhinaca amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ka jooga