Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo uu kulan iyo wada-tashi kula yeeshay saraakiisha iyo ciidamada ka tirsan Taliska.
Intii uu ku guda jiray kormeerka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha sare ee Taliska Qeybta 21-aad, isagoo wax ka weydiiyay xaaladda guud ee ciidamada, howlaha ay hayaan iyo qorshayaasha lagu xoojinayo shaqada iyo diyaar-garowga ciidanka.
Taliyaha ayaa sidoo kale kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, saraakiisha sare iyo madaxda Taliska, waxaana kulanka looga hadlay xaaladda ciidamada, dardargelinta howlaha shaqo iyo qorshayaasha la xiriira amniga iyo difaaca dalka.
Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay si buuxda ugu diyaar garoobaan gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday, iyadoo xoogga la saarayo xoojinta isku-duubnida, anshaxa iyo wada-shaqeynta ciidamada.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saraakiisha iyo ciidamada Qeybta 21-aad kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaallada ay ugu adeegayaan qaranka, ayna ilaaliyaan amniga iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wuxuu ku boorriyey ciidamada inay ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana ay muujiyaan feejignaan iyo diyaar-garow joogto ah si ay uga jawaabaan waajibaadka amni iyo difaac ee loo igmaday.
Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidamada Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin sugidda amniga, difaaca qarannimada iyo ilaalinta shacabka, sidaas darteedna loo baahan yahay in ay si dhow uga wada shaqeeyaan fulinta qorshayaasha amni iyo difaac.
Kormeerka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qeyb ka ah howlo shaqo oo joogto ah oo lagu qiimeynayo xaaladda iyo waxqabadka Talisyada iyo cutubyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Booqashada ayaa kusoo dhammaatay dardaaran iyo dhiirrigelin loo jeediyay saraakiisha iyo ciidamada Qeybta 21-aad, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu xoojinayo amniga, xasilloonida iyo difaaca qarannimada Soomaaliya