Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya, Colonel Andy Seddon, iyadoo kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca, howlgallada iyo horumarinta xiriirka milatari ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Midowday (UK).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta labada dal ee dhinacyada amniga iyo difaaca, gaar ahaan taageerada la siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadaallada lagu dhisayo awoodda ciidanka si uu uga jawaabo caqabadaha amni ee dalka ka jira.
Intii uu kulanku socday, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo UK, isaga oo tilmaamay in iskaashiga dhow ee labada dal uu door muhiim ah ka qaadanayo horumarinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Dhankiisa, Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya, Colonel Andy Seddon, ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda UK uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarrada, howlgallada iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Dowladda UK taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay taageeradaasi u leedahay xoojinta amniga, dhismaha hay’adaha amniga iyo tayeynta awoodda ciidamada dalka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo milatari ee Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah, si loo horumariyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo sugidda amniga dalka.