Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta tababar u soo xiray Cutubka Gaarka ah ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kadib markii ay si guul leh u dhammaysteen tababar sare oo lagu xoojinayay aqoontooda, xirfaddooda ciidan iyo u-diyaargarowga hawlgallada gaarka ah.
Tababarkan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu tayeynayo awoodda Ciidanka Kumaandooska Danab, waxaana bixiyay saaxiibbada caalamiga ah ee taageera dhismaha iyo horumarinta ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan Dowladda Mareykanka. Ujeeddada tababarka ayaa ahayd in ciidamada lagu xoojiyo xirfadaha muhiimka u ah fulinta howlgallada gaarka ah, la dagaallanka khataraha amni iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.
Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kale oo la socday horumarinta tayada ciidamada. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada ku bogaadiyay dadaalka, anshaxa iyo kartida ay muujiyeen muddadii uu tababarku socday.
Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ku dhiirrigeliyay ciidamada Danab inay aqoonta iyo xirfadaha ay ka heleen tababarkan si masuuliyad leh ugu adeegsadaan gudashada waajibaadkooda qaran, difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa sidoo kale kula dardaarmay ciidamada inay sii wadaan dadaalka, adkeysiga iyo ilaalinta anshaxa ciidanka, isagoo xusay in tayeynta ciidamada ay muhiim u tahay xaqiijinta amniga iyo xoojinta awoodda dowladda Soomaaliyeed ee la dagaallanka kooxaha khatar ku ah nabadda dalka.
Gabagabadii, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay dhammaan saraakiishii, macallimiintii iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay hirgelinta tababarkan, isagoo ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaan dhismaha ciidan qaran oo leh aqoon, xirfad iyo awood uu ku gutto waajibaadkiisa.