Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Taliyaha Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-Somalia), Sarreeye Guuto Ivan Falasca, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca tababarka milatariga iyo horumarinta tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa labada dhinac ku falanqeeyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarrada milatariga, kobcinta aqoonta iyo xirfadaha askarta iyo saraakiisha, iyo horumarinta hababka tababarka ee lagu dhisayo ciidan qaran oo leh aqoon, xirfad iyo karti uu ku gudan karo waajibaadkiisa.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday dadaallada lagu tayeynayo tababarrada ay helaan ciidamada Soomaaliyeed, si loo xoojiyo fahamkooda shaqo, hufnaantooda iyo awooddooda ku aaddan gudashada waajibaadka milatari. Tababarrada noocan ah ayaa muhiim u ah horumarinta xirfadaha askarta iyo saraakiisha, iyadoo la siinayo aqoon iyo tababar ka caawinaya gudashada waajibaadkooda ciidan.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado wada-shaqeynta labada dhinac, lana xoojiyo taageerada lagu horumarinayo awoodda iyo tayada ciidamada Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale adkeeyeen baahida loo qabo in tababarradu noqdaan kuwo kor u qaadaya xirfadda iyo diyaargarowga ciidamada, si ay si hufan ugu gutaan masuuliyadaha loo igmaday.
Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa qayb ka ah taageerada Midowga Yurub ee lagu horumarinayo hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca tababarka iyo kobcinta aqoonta ciidamada. Iskaashiga noocan ah ayaa muhiim u ah dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo leh xirfado milatari oo wanaagsan, isla markaana awood u leh inuu guto waajibaadka ka saaran ilaalinta amniga iyo difaaca dalka.
Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga u dhexeeya hay’adaha amniga Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo xoojiyo tayada tababarrada, loo horumariyo xirfadaha ciidamada, loona taageero dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo leh awood iyo diyaargarow ku filan gudashada waajibaadkiisa qaran.