Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Gaaray Kismaayo

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) iyo saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayay ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyay wafdigan saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee Kismaayo ku sugan, masuuliyiin ka tirsan Jubbaland iyo xubno kale.

Taliye Indha Qarshe iyo xubnihii la socday ayaa soo dhaweyn kadib waxa ay aqalka madaxtooyada Jubbaland kula kulmeen madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo kuxigeenkiisa, waxayna ka wada hadleen arrimo la xiriira ciidamada.

Taliyaha xoogga dalka iyo madaxda Jubbaland ayaa waxa ay si gaar ah uga wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab iyo in la xal laga gaaro mad madowga dhanka ciidamada ka dhexjira.

Ujeedka uu taliyaha ciidanka xoogga dalka u gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii loo xalin lahaan mad madow yar oo ka dhex taagan saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiisha Jubbaland iyo inuu booqdo xeryaha ciidamada ay ku leeyihiin degaanada Jubbaland.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmahan kordhiyay culeysaadka Millatari ee ay saarayaan Ururka Al Shabaab, wuxuuna qorshaha uu yahay sidii Shabaab looga saari lahaa guud ahaan Jubbaland.