Taliyaha ciidanka xoogga oo kulan la yeeshay safiirka Turkiga

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) ayaa xarunta safaarada Turkiga ee Soomaaliya kula kulmay safiirka dowladda Turkiga oo ay wehliyaan safiir ku xigeenka Turkiga iyo saraakiil ka tirsan Millatariga Turkiga, wuxuuna kala hadlay sidii dowladda Turkiga ay uga qeyb qaadan laheyd dhismaha iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) ayaa safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya uga warbixiyay horumarada iyo dhismaha ciidanka xoogga Dalka.

General Daahir Aadan Cilmi ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaadanayaan dhismaha iyo tababarada ciidamada xoogga dalka.

Ugu dambeynti taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in kulanka uu la qaatay safiirka dowlada Turkiga uu ahaa mid lagu xoojinayo xariirka ka dhaxeeyo labada talis ee Soomaaliya iyo  Turkiga

Safiirka dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya Danjire Olgan Bekar ayaa dhankiisa sheegay in taliska ciidanka xoogga ay ka taageeri doonaan dhismaha iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Danjire Olgan Bekar waxa uu sidoo kale xusay in ay dib u dayactir ku sameyn doonaan  dhawaan dhamaan xeryaha ciidamada xoogga dalka si loogu tababaro ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.