Taliyaha cusub ee Booliska oo maanta lagu wado in uu xilka la wareego

Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Bashiir Jamaac Maxamed ayaa la filayaa in uu maanta xilkaas kala wareego ku simaha ahna ku xigeenka Taliyaha Booliska.

Bashiir Axmed Maxamed oo ah Taliyahay xilka la wareegaya ayaa taliye ku xigeen u ahaa Jen Mukhtaar Xuseen Afrax,kaas oo xilka Taliye ku xigeenka iyo ku simeba u ahaa Taliyihii hore ee Booliska Jen Saacid.

Munaasibadda xil wareejinta waxaa ay ka socotaa Dugsiga tababarka Booliska ee Jen Kaahiye halkaas oo ay xilka kula kal wareegayaan labada Taliye.

Isniintii la soo dhaafay kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha wasiirrada ayaa lagu magacaabay Taliyayaasha Booliska,Nabad Sugidda iyo Asluubta.

 

Taliyaha cusub ee Nabad Sugidda ayaa Khamiistii xilkaas kala wareegay ku simaha ,iyada oo maalinta Berri ahna Taliyaha Asluubta uu xilkaas kala wareegayo Taliyaha laga qaaday.