Taliyaha Cusub Ee ciidamada Xooga Oo xilkiisa lawareegay

  1. Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Taliyihii hore C/wali Jaamac Xuseen (Gorod), kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaradda Gaashaandhigga,

Sidoo kale C/laahi Cali Caanood oo ahaa Abaanduulihii ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa xilkaas ku wareejiyay Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo dhawaan xilkaas loo magacaabay.

Xafladda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ku-xigeenkiisa iyo qaar ka mid ah Taliyeyaasha ciidamada qalabka sidda.

  1. Fanaaniinta Kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalka ayaa xafladda ka qaaday heeso wacyigelin iyo kuwo wadani ah.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeye Gaas Daahir Aadan Calmi (Indha qarshe) ayaa balan qaaday inuu wax badan ku soo kordhin doono taliska ciidanka xoogga dalka, waxa uu sidoo kale sheegay in uu dhisi doono ciidamo qaran oo guud ahaan dalka ka saara Al Shabaab.

“Waxaan rabaa mudada aan xilka hayo inaan ku dadaalo inaan dhiso ciidan tayo leh oo la dagaalama Argagixisada oo soo celiyada awoodda, ciidamadan waxay argagixisada ka saari doonaan degaanada ay joogaan, ciidanka xoogga dalka waxay masuul ka yihiin difaaca qaranimada Soomaliyeed”. Ayuu yiri Taliye Indha qarshe.

Wasiirka Wasaarada Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) ayaa kula dardaarmay taliyaha iyo Abaanduulaha cusub ee ciidanka xoogga dalka inay dardar geliyaan, islamarkaana horey u sii socdaan.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeye Gaas (Indho qarshe) ayaa xilkan uu maanta la wareegay horay u soo qabtay intii u dhaxeysay sanadihii 2013-kii ilaa 2015-kii.