Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gen, Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ee Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kaas oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee magaalada muqdisho.
Shirkan oo ay ka qeybgaleen Taliyaasha hoggaanada,Fadhiyada Madax banaan iyo Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, waxaana diiradda lagu saaray dardar galinta shaqada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo ladagaallanka Kooxaha AS.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha faray in la dardargaliyo shaqada amniga dalka iyo kan caasimadda, si loo ilaaliyo nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.