Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay.

Taliyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta  xilka kala wareegay Gen Mukhtaar Xuseen Afrax oo bilihi dambe si KMG ah xilkaasi u hayay.

Munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen taliyaasha ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

Gen Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ka sukoow inuu si KMG ah u ahaa taliyaha ciidanka Booliska ayaa hadana waxaa uu yahay taliye ku xigeenka 1-aad ee ciidanka .

Taliyaha Cusub Gen. Bahsiir Cabdi Maxamed waxaa uu kamid ahaa taliye ku xigeenada Booliska Soomaaliya ka hor inta aysan Xukuumada u magacaabin xilkani 19-kii bishan February waxaana uu maanta si rasmi ah ula wareegay xilkiisa cusub ee Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.