Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Kenya oo Xilka si rasmi ah ula wareegtay.

Taliyaha cusub ee dhowaan loo magacaabay Ciidanka Cirka Kenya Major General Faadumo Axmed ayaa si rasmi ah ula wareegtay xilkaas waxaana ay noqotay Haweeneydii ugu horreysay ee Dalkaas ka qabata Xilkaan.

Faadumo waxa ay in muddo katirsanayd ciidanka Militariga Kenya gaar ahaan kuwa Cirka ee ilaaliya Hawada Dalkaas waxaana ay xilka kala wareegtay John Omenda oo laga dhigay ku xigeenka taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Kenya (KDF).

Taliyaha xilka wareegay ayaa xafladda uu xilkaan ku wareejinayay ka hadlay ayaa sheegay in Major General Faadumo Axmed ay tahay sarkaalad u heelan shaqada loo igmaday waxaana uu ciidamada ka dalbaday in ay la shaqeeyaan.

Waxa uu ku sifeeyay in ay Faadumo tahay qof xirfad sare u leh xilkaan isaga oo rajeeyay in ay kasoo baxdo doorkaan firfircoon ay ka qaadan karto xilka hoggaaminta Taliska Ciidanka Cirka Kenya oo mas’uuliyad ka saaran ilaalinta Hawada.