Taliyaha Cusub ee Madaxtooyada Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed ayaa maanta xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Ciidamada Madaxtooyada G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf.
Munaasibadda xilwareejinta oo ka dhacday Rugta Ciidamada Madaxtooyada waxaa ka qeybgalay Taliye ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Axmed Cali Salaad, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir iyo dhammaan Saraakiisha Ciidamada ee Madaxtooyada .
Dhammaan Madaxdii hadashay ayaa u rajeeyey guul iyo shaqo wanaagsan Taliyaha cusub ee ciidamada Madaxtooyada dowladda Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed.
Khilaaf xooggan ayaa ka dhashay Magacaabista taliyaha maanta xilka la wareegay iyo ku xigeenkiisa ka dib markii uu kasoo horjeestay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash.