Taliyaha CXDS oo soo saaray Amar saameynaya Siyaasiyiinta Somaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raagge ayaa warqad uu soo saaray wuxuu ku amray dhamaan Madaxda hoggaamada Ciidamada Xoogga dalka inay soo xareeyaan Askarta ku maqan Shaqada leexsan ( Shaqo leexsan macnaheeda waa Ciidanka Istaafyada ah ee Xoogga dalka ka tirsan).

Amarkaan ayaa sameyn ku yeelan doona Madaxda kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiin kala duwan oo horay xilal u soo qabtay.

Waxaa uu sidoo kale jiray maalmihii lasoo dhaafay Warar sheegayay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay doonayso in ay soo xareyso Ciidamada ilaaliyadda Madaxdii hore ee dalka.