Taliyaha guud ee CXD General Odawaa Talisyo Ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin D/Maxaas iyo Howlgalo kala duwan oo kadhan ah Kooxda AS, oo ka dhacay deegaano dhaca Gobolka Galgaduud.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo Gudoomiyaha Degmada Maxaas Mudane Muumin Maxamed Xalane ayaa maanta kormeer dhiiri-gelin ah ugu tegay cutubyo ka tirsan guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ciidanka ku amaanay sida ay cadowga uga dulqaadeen dhibkii ay shacabka Soomaliyeed ku hayeen,mudadii 15-sano Eheed Kooxda Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Somaliyed jeneraal odowaay Yuusuf Raage iyo guddoomiyaha ayaa u Gudbay Furihama Dagaalka waxaana ay Gaareen Degaanka Goobo Halkaas oo ah Taliska Guud ee ciidanka Macawiis-leeyda gobolka Hiiraan.

Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo ka dhan ah AS ka wada qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Ciidamada xoogga dalka ayaa deegaanka Ceel juqow ee gobolka Galgaduud sidoo kale ka sameeyay howlgalo  ka dhan Kooxa AS, isla markaana dowladnimada lagu gaarsiinayo dadka deegaanka ee muddada dheer ay hoos joogeen xukunka kooxda.

Ceel juqow ayaa hal KM dhanka Woqooyi kaga beegan deegaanka butbut oo hoos taga Magaalada galcad waxaana halkaas iskaga baxay AS sida ay saraakiisha Dowladu sheegeen, ciidanka ayaana gacanta ku dhigay sadax gaari oo laga shakisan yahay kuwaasi oo dadka deegaanku sheegeen in AS kaga carartay dhulka howdka ah.