Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Dhexe Liibaan Yuusuf Gare, ayaa si rasmi ah tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Guutada Lixaad, kuwaas oo muddo dhowr toddobaad ah tababar culus uga socday Taliska Guutada 6-aad, oo ku yaalla duleedka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Tababarkan oo ahaa mid isugu jiray dhinacyada xeeladaha dagaalka, adkeynta anshaxa ciidanka, wada-shaqeynta cutubyada, iyo ilaalinta shacabka, ayaa looga gol lahaa in sare loo qaado tayada iyo diyaargarowga ciidamada si ay si buuxda ugu diyaar garoobaan waajibaadka Qaran ee ka saaran difaaca dalka iyo sugidda amniga.
Cutubyada tababarka loosoo xiray ayaa noqonaya qeyb muhiim ah oo ka mid ah ciidamada geesiyaasha ah ee dagaalka adag kula jira kooxda Khawaarijta ah, kuwaas oo muddo dheer dhibaatooyin amni, caburin iyo falal arxan-darro ah ku hayay shacabka Soomaaliyeed. Ciidamadan ayaa la filayaa inay door muuqda ka qaataan howlgallada amniga iyo ciribtirka kooxaha nabadda diidan ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed.
Taliyaha Guutada 6-aad, Gaashaanle Dhexe Liibaan Yuusuf Gare, oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka tababarka, ayaa ku bogaadiyey ciidamada dadaalka, samirka iyo adkeysiga ay muujiyeen intii uu socday tababarku. Waxa uu si gaar ah ugu dardaarmay in wixii aqoon, xirfad iyo waayo-aragnimo ah ee ay heleen ay ku muujiyaan fagaarayaasha dagaalka, iyagoo mar walba ilaalinaya sharciga, anshaxa ciidanka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka ku xoojinayaan tayada, kartida iyo isku-duubnida ciidamada qalabka sida, si ay si hufan, xilkasnimo lehna u gutaan waajibaadka Qaran ee ka saaran difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo nabadda dalka.