Taliyaha Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, Kabtan Cabdixakiin Ceeldheer, ayaa gaaray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu u tegay kormeer shaqo iyo dardargelinta howlaha amniga ee ka socda magaalada.
Taliyaha ayaa intii uu ku sugnaa Baraawe la kulmay saraakiisha iyo ciidamada Haramcad ee ka howlgala degmada, isagoo warbixin ka dhageystay xaaladda amni iyo howlgallada ay ciidamadu ka wadaan deegaannada hoos yimaada degmadaasi.
Kabtan Ceeldheer ayaa ku ammaanay ciidamada dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha khalkhalka ku haya nabadgelyada, wuxuuna ku boorriyay inay sii laba jibbaaraan howlahooda si loo xaqiijiyo xasillooni buuxda.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in muhiim ay tahay wada-shaqeyn dhow oo dhex marta shacabka iyo ciidamada ammaanka, si loo helo nabad waarta iyo horumar la taaban karo.
Ugu dambeyn, taliyaha ayaa sheegay in Ciidanka Haramcad ay sii wadi doonaan howlgallada ay ku xaqiijinayaan amniga, isla markaana aysan jiri doonin meel ay ku dhuuntaan kooxaha amni-darrada wada.