Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa kormeer qiimayn ah ku tagay qaar kamid ah goobaha lagu hubiyo Gaadiidka & Dadka la socda ee Magaalada Muqdisho.
Waxa ay warbixinno kooban ka dhagaystay saraakiisha ciidamada qaabilsan hubinta Gaadiidka halka sidoo kale uu goobjoog ka ahaa howlgallo ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xaqiijinayeen amniga.
Intaas kaddib waxa uu Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Mahad Maxamed Salaad billaabay kulamada Bulshada uu la qaadanayo isaga oo tagay qaar kamid ah goobaha lagu cunteeyo oo ay fadhiyeen Dad kala da’ duwan.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojiyay amniga caasimadda waxaana ay baaris la daba-joogaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo Dadka la socda, waxaana intaasi dheer kormeer ay samaynayaan saraakiisha qaar.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saraakiisha, ciidamada & Shacabka ugu baaqay in ay si wadajir ah u xoojiyaan adkaynta nabadgalyada Caasimadda si loo hortago falalka amniga liddiga ku ah waa sida ay hadalka u dhigeen Madaxda sare ee Dalka.