Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta qaaday tallaabo deg deg ah oo ku aadan falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu beegsday xulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Taliyaha oo booqasho ugu tegay ciyaariyahannada Koonfur Galbeed iyo hoggaankooda ayaa raalligelin buuxda ka siiyay falkii shalay lagula dhaqaaqay, kadib markii ay weerar ku qaadeen koox kamid ah dadweynihii tegay garoonka ee daawanayay ciyaartii soo dilaatay.
Mahad Salaad waxaa booqashadaan ku wehlinayay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud, waxaana la sheegay in inta badan la qanciyay xulka Koonfur Galbeed oo horay u sheegay inay ka baxeen tartanka.
Dhinaca kale Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee maamulka Koonfur Galbeed Salmaan Shuceyb Cali oo faahfaahin ka bixiyay kulanka ay la yeesheen Mahad Salaad ayaa sheegay inay guddoomeen raalligelinta
Falka lagula dhaqaaqay xulka Koonfur Galbeed ayaa sabay dhaawac soo gaaray qaar kamid ah ciyaartoyda iyo burburinta baabuurkii ay la socdeen, taas oo dhalisay caro xoogan.
Waa markii labaad oo la weerarayo xulka Koonfur Galbeed, waxayna ahayd 2020-kii markii sidaan oo kale loo weeraray xilli ay kasoo baxeen ciyaarta, taas oo dhalisay tuhun xoogan.