Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta degmada Gubadley kulan muhiim ah kula yeeshay Imaam Daahir Imaam Maxamuud, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, xubno ka socday bulshada rayidka, saraakiisha amniga iyo masuuliyiinta maamulka degmada, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta wada-shaqeynta ka dhexeysa shacabka iyo hay’adaha ammaanka.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni ee degmada iyo guud ahaan gobolka, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo ciidamada ammaanku si dhow u wada shaqeeyaan, si looga hortago falalka amni darrada ah iyo khataraha ay maleegayaan kooxaha Khawaarijta. Taliyaha NISA ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, isla markaana loo baahan yahay in shacabka ay door muuqda ka qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada.
Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in amnigu uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee horumarka iyo dowlad-dhiska, isagoo bulshada ku boorriyay inay si joogto ah ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, kana feejignaadaan cid kasta oo isku dayeysa inay qalqal geliso nabadda iyo xasilloonida deegaanka. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in hay’adaha ammaanku ay sii xoojin doonaan howlgallada lagu sugayo amniga iyo ilaalinta shacabka.
Dhankooda, odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka iyo masuuliyiintii kulanka ka qeybgalay ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda iyo ciidamada ammaanka ee lagu xaqiijinayo nabadda, iyagoo ballanqaaday inay sii xoojin doonaan wada-shaqeynta kala dhaxeysa hay’adaha ammaanka. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga go’an tahay ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xasilinayo deegaanka iyo taageeridda qorshayaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta amniga.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso inay ku xoojiso xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa shacabka iyo hay’adaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni guud ahaan dalka ah.