Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose oo xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Saldhiga Booliska Degmada Dhoobley iyo Taliyihii hore

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, Kornayl Sadiiq Maxamuud Dhogor ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Saldhiga Booliska Degmada Dhoobley, G/Dhexe Cabdiqaadir Xasan iyo Taliyihii hore G/Sare Maxamed Haybe.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay isla Saldhiga ayuu Taliyaha Qaybta uga mahadceliyey taliyihii hore shaqadii uu Degmada u soo qabtay muddadii uu hoggaaminayey Booliska oo guulo wax ku ool ah gaaray.
Kornayl Sadiiq Maxamuud Dhogor ayaa xusay in ciidanka Booliisku uu yahay hooyada ciidamada kala duwan ee qaranka, wuxuuna ku booriyey hoggaanka cusub in looga fadhiyo xaqiijinta amniga Degmada iyo guud ahaan Gobolka.
Munaasabadda ay xilka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Saldhiga Booliska Degmada Dhoobley iyo Taliyihii hore waxaa ka qeyb galay maamulka Degmada, Saraakiil iyo marti sharaf kale.