Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid Jaamac Faarax, oo uu wehelinayay Taliyaha Guutada 17-aad, ayaa kulan is-xog-waraysi iyo dhiirrigelin ah la yeeshay qaar ka mid ah saraakiisha Guutada 17-aad, si loo dardargeliyo howlaha shaqo iyo gudashada waajibaadka qaran.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta saraakiisha, sare u qaadista tayada hoggaaminta, kor u qaadidda hufnaanta howlaha ciidamada, iyo sidii loo sii xoojin lahaa niyadda ciidamada ee ku aaddan difaaca dalka iyo la dagaallanka kooxaha amniga lidka ku ah.
Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, ayna muujiyaan hoggaan wanaagsan iyo isku-duubni, si loo xaqiijiyo guulo waara oo laga gaaro howlaha lagu sugayo amniga dalka. Wuxuu sidoo kale ku boorriyay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada kale ee qalabka sida si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-xirnaanta howlgalada.
Dhankooda, saraakiishii kulanka ka qeyb gashay ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda cutubyada ay hoggaamiyaan, caqabadaha jira iyo guulaha laga gaaray howlaha amniga. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay gutaan waajibaadkooda qaran, iyagoo ballanqaaday inay sii wadi doonaan dadaallada lagu ilaalinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.
Ugu dambeyn, saraakiisha ayaa lagu bogaadiyay dadaalka iyo heeganka joogtada ah ee ay ugu jiraan difaaca qaranka, waxaana lagu adkeeyay inay sii xoojiyaan howlaha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xoreynta deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixisada.