Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Dhexe Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay saraakiisha Sector Four ee howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo fadhigoodu yahay magaalada Baladweyne.
Kulanka oo ka dhacay deegaanka Ceeljaale – saldhig ciidamada Jabuuti iyo Itoobiya – ayaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni ee ka dhanka ah AS, loogana shaqeyn lahaa sugidda amniga Baladweyne iyo xoreynta deegaanada ku jira gacanta argagixisada ee gobolka Hiiraan.
Taliyaha ayaa uga mahadceliyay ciidamada AUSSOM ee Jabuuti iyo Itoobiya taageerada ay siiyaan shacabka iyo ciidamada Qaranka, isaga oo bogaadiyay doorkooda dagaalka lagula jiro AS.