Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamud, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay U Qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Col. Wills. Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaallada ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ee weli khatar ku ah ammaanka iyo xasilloonida dalka.
Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamud ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhaxeeya Ciidanka XDS iyo ciidamada Mareykanka, isagoo uga mahadceliyay Dowladda iyo Ciidanka Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin, iyo ka go’naashahooda ku aaddan ciribtirka argagixisada iyo sugidda amniga guud ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa qeyb ka ah qorshaha wada-shaqeynta ee labada dhinac, kaas oo lagu xaqiijinayo tayeynta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo kordhinta dadaallada nabad-diidka, si loo sugo xasilloonida iyo nabadda dalka.