Taliye ka tirsan NISA oo la xiray

Sidda xaqiijiyeen goobjoogayaal Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa NISA ayaa xalay xabsiga dhigay  Taliyaha Hoggaanka caafimaadka ee hay’addaasi.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta loo xiray Taliyaha, waxaana qaar ka mid ah dadka ku dhow ay sheegeen in gaarigiisa uu  ku qarxay bannaanka hore guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho, isaga oo ka badbaaday qaraxaasi.

Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal ayaa la sheegay in sanadyadii ugu dambeeyay uu ahaa Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka Hay’adda.

Lama xaqiijinkaro in sababta loo xiray in  ay tahay Qaraxa iyo in ay jiraan  Sababo kale oo lagu eedeeyay.