Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo warbaahinta la hadashay xalay ayaa ka warbixisay howlgal Ciidanka amniga ay ka sameeyeen qeybo kamid ah duleedka Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya.
Waxa ay sheegtay Sarreeye guuto Zakia in Ciidanka amniga howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Ceelasha biyaha ay ku qabteen keydkii ugu weynaa ee hubka Al-shabaab.
Sidoo kale waxaa ay sheegtay in hubkaas oo ahaa mid farabadan laga soo saaray Godad lagu aasay oo ku yaalla Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho,isla markaana isugu jiray dhowr nooc oo ka kooban waxyaabaha qarxa ah.
Dhinaca kale Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa tilmaamtay in howlgal laga sameeyay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu soo qabtay 35 ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Waxa kaloo ay xustay Sarreeye guuto Zakia Axmed in deegaanka Sabiib ee isla Shabeellaha Hoose lagu qabtay ilaa iyo 14 dhalinyaro ah,kuwaasi oo iyana looga shakisan yahay Al-shabaab.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda howlgal xoogan oo lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda,kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen falal amnidarro xun,iyadoona Ciidanka amniga dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgalkaas uu ku dhawaaqay maamulka Gobolka Banaadir.