Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Shir Guddoomiyay Kulan Lagu Xoojinayo Amniga iyo Horumarinta Xaruumaha Boliiska.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaa shir guddoomiyay kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen Hoggaannada, Qeybaha kala duwan iyo Fadhiyada Madaxa-bannaan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Kulankan oo muhiimad gaar ah lahaa ayaa lagu qabtay Taliska Daraawiishta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in si qoto dheer looga wada hadlo xaaladda amniga guud ee dalka, caqabadaha jira iyo fursadaha lagu xoojin karo sugidda amniga, iyadoo la adkeynayo wada-shaqeynta hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Boliiska. Taliyaha ku xigeenka ayaa kulanka ka jeediyay hadal dhiirrigelin ah, isagoo bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee ay sameynayaan saraakiisha iyo ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee ku howlan sugidda amniga iyo badbaadada shacabka.

Intii uu kulanku socday, waxaa warbixino faahfaahsan laga dhageystay hoggaannada kala duwan, kuwaas oo soo bandhigay xaaladda amni ee deegaannada ay ka howlgalaan, guulaha la gaaray iyo caqabadaha wali taagan. Sidoo kale, waxaa warbixin gaar ah laga dhageystay guddiga u xilsaaran dhismaha iyo dib-u-dayactirka xarumaha Ciidanka Boliiska, kuwaas oo faahfaahiyay heerarka ay marayaan dib-u-habaynta iyo casriyeynta xarumaha Boliiska ee dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta dadaallada lagu horumarinayo xarumaha Boliiska si loo helo goobo shaqo oo ku habboon ciidanka, isla markaana bulshada loogu adeego si hufan, ammaan ah oo waafaqsan baahiyaha jira. Taliye ku xigeenka ayaa faray hoggaannada inay xoojiyaan isla xisaabtanka, anshaxa shaqo iyo u adeegidda shacabka, isagoo carrabka ku adkeeyay in horumarinta kaabeyaasha Boliiska ay laf-dhabar u tahay sugidda amniga iyo kalsoonida bulshada.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay talooyin iyo go’aamo lagu xoojinayo amniga guud, lagu dardar-gelinayo dib-u-dhiska xarumaha Boliiska, laguna adkeynayo wada-shaqeynta hoggaannada iyo qeybaha kala duwan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta iyo adeeg amni oo tayo leh oo loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.