Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo Safar Shaqo Ku Tegay Guriceel

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed Kaniif, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Galmudug G/sare Maxamed Daahir Cabdulle, ayaa safar shaqo ku tegay magaalada Guriceel.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran magaalada ugu soo dhaweeyey saraakiisha iyo ciidamada Booliiska ee ku sugan degmada Guriceel, kuwaas oo muujiyey soo dhaweyn iyo taageero buuxda.

Markii ay gaareen degmada, Taliye ku-xigeenka ayaa kormeer ku sameeyey xarumaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay ku leeyihiin degmada, isagoo ugu horreyn booqday Saldhigga Booliiska Degmada Guriceel.

Intii uu ku sugnaa saldhigga, Taliyaha ayaa saxiixay Buugga OB-da saldhigga, wuxuuna warbixinno ka dhageystay saraakiisha halkaasi ka howlgasha oo la xiriiray xaaladda amniga, shaqada ciidanka, iyo adeegyada ay bulshada u hayaan.

Sidoo kale, safarka shaqo ee Taliyaha ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo howlaha amniga, kor u qaadidda wada shaqeynta ciidamada, iyo dardargelinta adeegyada Booliiska ee deegaanada Galmudug.