Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Booqasho Shaqo Ku Tagay Xerodhagaxley

Wafdi saraakiil sare ah oo uu hoggaaminayo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayna ka mid yihiin Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Galmudug, G/Sare Maxamed Daahir Cabdulle, ayaa booqasho shaqo ku tagay deegaanka Xerodhagaxley ee gobolka Mudug.

Socdaalkan ayaa lagu sheegay in uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo Ciidanka Booliska Galmudug iyo xoojinta amniga guud ee deegaannada maamulka Galmudug.

Wafdiga saraakiisha ah ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay deegaanka Xerodhagaxley, halkaas oo ay ku qaabileen saraakiisha Booliska ee halkaas ka howlgala iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Intii ay ku sugnaayeen deegaanka, Taliye Ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed iyo wafdigiisa ayaa kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ay ka wada hadleen xaaladda amniga iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta shacabka iyo hay’adaha amniga.

Socdaalkan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray kor u qaadista wada shaqeynta Booliska iyo bulshada deegaanka, si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka Mudug.