Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Soomaaliyeed iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degaanka Teedan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay. Soo dhoweynta ayaa waxaa hormuud ka ahaa Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Cali Cageey, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka.
Ujeedka safarka taliyaha ayaa la xiriiray kormeer uu ku sameynayo xaaladda guud ee ciidanka ku sugan aaggaasi, gaar ahaan dhanka howlgallada amni iyo u diyaar garowga ciidanka. Intii uu ku sugnaa Teedan, taliyaha ayaa kulan la qaatay ciidamada Qeybta 27-aad, isaga oo warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaanka u haysa ciidanka ee ku sugan jiidaha hore.
Taliyaha ayaa sidoo kale la hadlay ciidamada, isaga oo ku boorriyay in ay sii xoojiyaan dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka. Wuxuu si gaar ah ugu dardaarmay inay muujiyaan dulqaad, isku duubni iyo anshax wanaagsan, maadaama lagu jiro Bisha Ramadaan oo ah bil barakeysan oo u baahan samir iyo is-xakameyn dheeraad ah.
Dhankiisa, Taliyaha Qeybta 27-aad, Col. Cali Cageey, ayaa uga mahadceliyay taliyaha sare booqashada uu ku yimid furimaha hore, isaga oo sheegay in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyn, kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo howlaha ciidanka iyo dhiirrigelinta askarta ku sugan furimaha hore, si loo hubiyo amni waara iyo adeeg hufan oo loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.