Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Cabdullaahi Aadan Xuseen (Ciiro) oo la hadlay saraakiisha ciidanka Guutada Abuu dujaana ee 27aad ciidanka Xoogga ayaa kula dardaarmay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka.
Gen. Cabdullaahi ayaa sheegay in Taliyaha cusub ee lagu wareejiyay Guutadaan looga fadhiyo in uu la yimaado khibrado ciidan oo uu ku hagayo qorshaha duullaanka ka dhanka ah ‘AS’ si looga qabsado deegaannada ay weli joogaan.
Cirro ayaa ciidamada, abaanduulaha Guutada iyo dhammaan ciidanka kale ee howl-wadaagga yihiin usoo jeediyay in ay dhaqangeliyaan go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira in laga gungaaro howlgallada socda.
“Waxaa la idin kaga fadhiyaa in aad la shaqaysaan Taliyaha cusub ee Guutada Abuu Dujaana, waqtigu wuu adag yahay waxaana rajaynayaa insha allaah in aan ka gudubno oo dalka yaga gaaro mid amni ah, aagga bacaadwayn ilaa aad ku tagto Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland waxaa meel weliba ka socda Howlgal, taladu waxa ay ku jirtaa in aad iskaashataan oo gacmaha is qabsataan” Ayuu yiri Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Gen. Cabdullaahi Aadan.
Deegaanno kala duwan oo katirsan Gobollada Dalka waxaa kormeer ku maraya Saraakiisha ugu sarraysa Ciidanka Xoogga Dalka kuwaas oo dib u abaabulaya howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo ciidamada Federaalka & kuwa Deegaaanka dib ugu qabsanayaan goobo ay horay u qabsadeen balse dib isaga baxeen.