Taliye Kuxegeenka Ciidanka Xooga Oo Fariin Ka Diray Jiida Mudug…

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlay Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug & Dadka deegaanka ee Macawiislayda ah ayaa usoo jeediyay kordhinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

Gen. Dayax ayaa tilmaamay in kaalinta Dowladda Federaalka ee ah garabsiinta Ciidamada ku jira Howlgallada looga soo horjeedo ‘AS’ ay tahay mid muuqata loona baahan yahay in howlgalladaan lagu soo afjaro sida ugu dhaqsiyaha badan.

Gobolka Mudug ayuu sheegay in uu ku dhow yahay in ay ‘AS’ isaga baxaan guud ahaan maadaama deegaanno iyo degmooyin muhiim u ah laga qabsaday halka qaar kale ay ku dhow yihiin ciidamada iskaashanaya.

Taliyaha ciidanka Dhulka Gen. Dayax ayaa u ballanqaaday ciidamada in ay heli doonnaan agab weliba oo ay u baahan yihiin Ciidamada howlgallada ku jira si ay dagaalkaan ay kula jiraan ‘AS’ ugu gungaaraan waa sida uu hadalka u dhigay.

Koofurta Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa todobaadyadii u dambeeyay ka socday howlgallo xooggan oo ka dhan ah ‘AS’ halka Dowladda Federaalku ay gaysay ciidamo dheeraad ah oo xoojiya askarta halkaas ku sugan.